Since 1960 – gudida abaaraha burco oo daboolka ka qaaday in ay gurmadka ilaa hadda gaadhsiiyeen 232 tuulo

Gudida Abaaraha Burco oo Daboolka ka Qaaday in ay Gurmadka ilaa Hadda Gaadhsiiyeen 232 Tuulo

Tuesday, 08 April 2008

Burco (Sample ImageSN)- Gudi Midaysan oo ku hawlan gurmadka biyo dhaamiska ee ka socda gobalka togdheer ayaa maanta markii u horeysay daboolka ka qaaday ilaa iyo hada in ay biyaha u gudbiyeen 232 tuulo oo ka mida goobaha biyo yaraanta ku habsatay, isla markaana ay wada jirna u fuliyeen hawlgalkooda.

Gudidan oo ka kooban heer gobol ee dhinaca xukuumada , gudi madax banaan weliba xubno ka mida hay’adaha samafalka oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta maamulka gobalka togdheer ayaa waxay cadeeyeen in ilaa iyo hadda biyo gaadhay 21,200 foosto gaadhsiiyeen tuulooyin ka tirsan Degmooyinka Burco, Oodweyne, Duruqsi, Qoryaale iyo Bali-dhiig.


Af-hayeenka gudidan gurmadka abaaraha Mudane  C/xaliim Maxamed Muuse oo ka hadlayey heerka gurmadka ayaa waxa uu sheegay inay hay’adaha samafalka ee ku hawlan arintan iyo xukuumada ay qaybiyeen laba madax oo loo qaabilayo hawl galka biyo dhaamiska, taasi waxaa uu xusay inay hay’adaha CCS, CANDLE-LIGHT IYO SOYVO, HAVAYOCO, ay ilaa hada gudbiyeen biyo dhan 8000, foosto halka ay xukuumadu gudbisay 13000 foosto .


Wasiir ku xigeenku  waxa kale oo uu xusay inay ilaa iyo hada jiraan biyo dhaaminta, in kasta oo uu sheegay inay haysato dhibaato gaadiidka biyaha qaada.


Waxa kale oo si gaara u dhaliilay madaxda degmada Oodweyne oo uu sheegay inay ka been sheegeen hawlgalka xukuumada.


Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere ayaa isaguna waxaa uu xusay inay hawsha gurmadka ay waxtar u noqotay bulshada, isla markaana ay bar bar wadaan gar gaar caafimaad oo ay geeyeen dadka iyo xoolaha ku nool deegaamada la siinayo biyaha.


Xukuumada Somaliland ayaa kaga qayb gashay gurmadka Abaaraha ee gobolka Togdheer Lacag gaadhaysa 50,000 oo Doollar.

Yuusuf Ibraahim Warsame

Burco/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *